Turkiga oo gargaar bani’aadantinimo u fidiyay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mahamuud Moallim Abdulle ayaa maanta waxa uu shixnad mucaawino gargaar ah ka guddoomay Hay'adda IHH oo ah Hay'ad Turki ah kana shaqeysa caawinta iyo bini'aadamnimada.

Shixnaddaan gargaar ayaa iskugu jirta Raashin, Marakaneeco, Baco ay roobka uga ganbadaan Qoysaska ka barakacay daadadkaan, iyo Qaybaha kala duwan ee Macuunta.

Gargaarkaan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo Shacabka Soomaaliyeed ee daadadka #ElNiño iyo fatahaadaha ay sameenta ka soo gareen, kuwaas oo haatan wajahaya nolol adag.

Gobollada dalka ayaa dhawaanahan ka dhacay duufaano ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah kuna burburay, halka ay ku barakaceen in ka badan 500 Kun oo qof.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM