Turkiga oo ka hadlay ismiidaaminitii Al-Shabaab ka fulisay Muqdisho

Image

ANKARA, Turkey – Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay si kulul u cambaareyneyso "weerarkii argagaxiso" ee Al-Shabaab ay Sabtidii ku ekeysay saldhiga guutada 14-ka April ee ciidamada Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in ay tacsi u direyso ehelada askartii ku geeriyootay ismiidaamintaas loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Sideed askari ayaa ku dhimatay, halka 15 kale ay ku dhaawacmeen. Dhimashadda iyo dhaawacyadda waxaa kamid ah dad shacab ah.

"Waxaan helnay akhbaar naxdin leh oo sideed qof lagu waayey, tirro kelana ay ku dhaawacmeen taasoo ah natiijo ka dhalatay weerar is-miidaamin oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa kadib markii madaafiic lagu ekeeyay saldhiga guutada 12-ka April ee Muqdisho," ayaa lagu yiri bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Warka qoraalka ah ayaa la raaciyey: "Waxaan aad u cambaareynaynaa falkaas wuxushnimada ah ee argagixisada fulisay. Waxaan uga tacsiyeynaynaa walaalaheena Soomaaliya iyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, annagaa naxariista ABBE u rajeynayna kuwa nafsadooda ku waayey, halka bukaanadda u rajeynayno soo kabasho deg-deg ah, idimka ALLE".

Taliska ciidamadda Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin waxyeeladda guud ahaan ee ka dhashay qaraxaas oo jugtiisa cusleyd.

Ankara oo saaxiib dhow la lah dowladda hataan ka jirta Soomaaliya ee madaxweyaha uu ka yahay Farmaajo ayaa siisa malaayiin Doolar bil walba, lacagtaas oo lagu sheegay mid lagu kabayo miisaaniyadda.

Al-Shabaab ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay dib u soo cusbooneysiisay bartilmaameedsiga fariisimaha ciidamadda Soomaaliya, iyaddoo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay beegsatay saddex xero ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM