Turkiga oo ka jawaabay eedeyn kaga timid ururka Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah waxay kaga jawaabtay eedeyn culus oo kaga timid dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa tilmaamay in xukuumadda Ankara ay "qabsaneyso dhulka Soomaaliya iyo kheyraadkiisa".

Mehmet Yilmaz, danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho, ayaa sheegay in aysan jirin dano gaar ah oo ay ka leeyihiin Soomaaliya.

Yilmaz, oo wareysi siiyey VOA-da gaar ahaan laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa shaaciyey in ay Soomaaliya ku caawiyeen hal bilyan aysana jirin dano gaar ah oo ay ka leeyihiin.

Lacagtaas ayuu hoosta ka xariiqay in ay ku kala bixiyeen kaabeyaasha dhaqaalaha, dhismaha waddooyin iyo deeqo ay siiyeen dowladda.

Mar wax laga waydiiyey sheegashadii Al-Shabaab ee ahayd in weerarkii Ex-kontarool la beegsatay kolanyo Turki ah, diblumaasiga ayaa ku jawaabay "waxaan warbixin ka sugeynaa dowladda".

Danjiraha ayaa meesha ka saarey in dhacdadaas looga dilay afar muwaadin, wuxuuna ku adkeystay in ay kaga dhinteen kaliya laba.

"Muwaadiniinteena iyo Soomaalida waxay noo yihiin isku mid, waxaana u joognaa halkaan tan iyo 2011-dii sidii aan u caawin lahayn dadka iyo dowladda Soomaaliya," ayuu xusay.

Turkiga ayaa kamida dowladaha aadka ugu dhow maamulka Farmaajo, waxaana bil walba ay siisaa taageere dhaqaale oo lagu kabayo Miisaaniyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM