Turkiga oo loo saxiixay inuu ka kalluumeysto Xeebaha Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

ANKARA - Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday Heshiis ay ku xoojinayaan xiriirka dhaqaale ee labada dalka ka dhaxeeya kaasi oo qeyb ka ah Kalluumeysiga.

Mahdi Maxamed Xasan, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo dhigiisa Turkiga Recep Akdag ayaa shalay qalinka ku duugay heshiiska Istiraatijiyadeed Iskaashiga dhaqaalaha kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Ankara.

"Waxaan rajeynaynaa inaan xoojino xirrirka nagala dhaxeeya Soomaaliya. Maalgashiga Turkiga uu ku sameeyay Soomaaliya wuxuu kor u dhaafayaa 100 Milyan oo Doolar," ayuu ka yiri Recep Akdag xafladda saxiixa heshiiska.

Recep Akdag ayaa sheegay in Turkiga uu gaarsiin doono lacagta uu ku maalgeliyo Soomaaliya $200 oo Milyan sanadkan 2018, kadib markii uu heshiis cusub la galeen dowladda Federaalka Soomaaliya.

120 Milyan oo Doolar ayuu Turkiga ku maalgeliyay Soomaaliya 2016.

Heshiiska cusub waxa uu ku salaysan yahay dhinacyada tamarta, macdanta, korontada, waxbarashada, Beeraha iyo kalluumeysiga.

Mahdi Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in uu soo dhaweynayo heshiiska, isagoo rajo ka muujiyay mustqbalka in Soomaaliya iyo Turkiga yeeshaan xiriirka ganacsi oo xur ah.

Wasiiradda kalluumeysiga labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiis dhanka kalluumeysiga, kaasi oo Turkiga kalluumeysatadiisa uu ogolaanaya in xeebaha Soomaaliya ka kallumeysan karaan.

Bishii September ee 2017, Turkiga ayaa saldhiga ugu weyn ee caalamka ka furtay degaanka Jazeera ee Koonfurta Muqdisho kaasi oo la dhisayay mudo labo sano ah.

Saldhigga oo ku fadhiya dhul gaaraya 4KM oo isku-wareeg ah, waxaana halkii mar lagu tababari karaa 1,500 oo askari sida ay dowladda Soomaaliya sheegtay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Garaad Jaamac oo ka digay in Khilaafka Soomaalida uu fursad u noqdo Israel 

Hadalkan ayaa uu ka jeediyay munaasabad dhaqameed ka dhacday degmada Galdogob ee gobolka Mudug, Puntland.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 01:44PM

Galdogob oo Sanado Kaddib Kulmisay Madaxda Puntland iyo Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda kula fadhiistay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 12:29PM