Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Markab dagaal oo leeyahay Turkiga ayaa soo gaaray Soomaaliya iyadoo madaxda dowladda federaalka ay ka qeybgalayaan munaasabad soo dhaweyn ah oo maanta loo qorsheeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaamin doona wafdiga dowladda federaalka ah ee ka qeyb galaya soo dhaweynta markabka dagaal ee Turkiga oo ku soo xirtay Soomaaliya Isniintii.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo mas'uuliyiin kale oo ay ku jiraan Xildhibaano labada aqal ah ay dul-tagi doonan markabkan si ay usoo dhaweeyaan.

Imaanshaha markabkan ayaa ku soo beegmaya saddex maalmood ka dib markii Turkigu uu ku dhawaaqay in uu rajaynayo in uu sannadka 2025-ka hawlgal shidaal qodis ah oo dhinaca badda ah ka sameeyo xeebaha Soomaaliya.

Muqdisho iyo Ankara ayaa horraantii bishii Maarso kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha, taasoo sii xoojineysa xiriirka ka dib markii ay ku heshiiyeen heshiis difaac ah sanadkan.

Bishii Febraayo, 2024, Muqdisho waxay qalinka ku duugtay heshiis difaac ah oo ay la gashay Ankara kaas oo looga golleeyahay in lagu joojiyo isku dayga Itoobiya ee ah inay ku xaqiijiso gelitaanka badda iyada oo loo marayo gobolka gooni-goosadka ah ee Somaliland.

Heshiiska – oo uu baarlamaanku meelmariyey – waxa ka mid ah xamuulka, qaybinta, sifaynta, iibinta iyo adeegga shidaalka iyo badeecadaha kale ee laga sameeyo mashaariicda bariga iyo badda ee kheyraadka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM