Turkiga oo Safaarad $6 million ku kacaysa u dhisayo Soomaaliya

Image

ANKARA - Turkiga ayaa lagu wadaa in uu Soomaaliya u dhiso oo uu ugu deeqo dhisme safaaradeed iyo dhul uu ku kacayo lacag lagu qiyaasay in ka badan $6m, sida ku cad heshiis loo gudbiyay baarlamaanka Turkiga Isniintii.

Sida ku cad heshiiskii Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen 2022-kii, Ankara waxay ku bixin doontaa deeqdan dhul ay dowladda Soomaaliya ugu deeqday Turkiga 2015-kii.

Hawlgalka dublamaasiyadeed ee Turkigu ka dhisay dhulkaas Muqdisho ayaa ahaa kii ugu weynaa ee caalamka oo dhan, wuxuuna ku fadhiyaa dhul ka badan 61,000 sqm, waxaana ku baxay $65m.

Taa baddalkeeda, Soomaaliya waxay heleysaa 4,918 sqm oo dhul ah oo ku yaal goobta diblomaasiyadda Incek ee Ankara.

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu goobtan ka dhiso dhisme safaaradeed oo dhan 3,000 oo sqm, waxaana heshiiskan uu u ogolaanayaa Soomaaliya inay mustaqbalka iibiso dhulka iyo dhismayaasha haddii ay rabto.

Si kastaba ha ahaatee, baarlamaanka Turkiga waa inuu ansixiyo heshiiska ka hor inta uusan socon.

Heshiiskan ayaa durba dhaleeceeyay warbaahinta Turkiga. Sozcu, oo ah wargeyska maalinlaha ah ee ugu weyn mucaaradka, ayaa boggiisa hore ku daabacay Talaadadii warbixin cinwaankeedu ahaa: "Ma jirto wax badbaadin ah oo laga helayo jacaylka Soomaaliya".

Warbixintu waxa ay iftiimisay sida yaabka leh ee ay dawladu u dhiseyso safaarada Soomaaliya iyada oo dhimaysa dhaqaalihii ay ku bixin jirtay mashaariic iyo adeegyo badan oo gudaha ah iyada oo la raacayo tallaabooyin dhaqaale.

"Waxay yiraahdeen dhaqaale xumo ayaa ka jirta qaybta dadweynaha, laakiin si qaali ah ayay u kharash gareeyaan," ayuu yiri wargeysku. "Dowladda oo awoodi weyday inay hesho lacag ay ku kordhiso mushaaraadka malaayiinta hawlgabka ah iyo kuwa qaata mushaharka ugu yar, ayaa [dhul qiimo leh] oo ku yaalla Ankara ugu deeqday Soomaaliya."

Sozcu wuxuu ku andacoodey in dhulku uu qiimihiisu yahay 200m oo lacagta Turkiga ah ($6.5m). Si kastaba ha ahaatee, ilo-wareedyo Turki ah oo mashruucan la socda ayaa Middle East Eye u sheegay in kharashka ku baxaya dhismaha iyo dhulkaba aanu dhaafi doonin $6m, lagana yaabo inuu ka hooseeyo.

Mid ka mid ah ilo xog ogaal ah ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhulka uu Turkiga ugu deeqay Soomaaliya uu ka badan yahay 12 jeer, isla markaana uu ku yaal meel u dhow Muqdisho.

Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga

Dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii waxa ay si weyn u maalgalisay Soomaaliya, iyadoo bixisay in ka badan $1bn oo gargaar bini’aadantinimo ah, taasi oo wax looga qabanayo abaaro dad badan ay ku dhinteen.

Turkiga ayaa hadda awood ciidan oo xoog leh ku leh magaalada Muqdisho, waxaana shirkado laga leeyahay dalka Turkiga ay maamulaan garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada iyagoo heshiisyo kula jira dowladda Soomaaliya.

Turkiga waxa uu tababaray in ka badan 16,000 oo askari oo Soomaali ah, una dhiganta saddex meelood meel meel ka mid ah ciidamada milateriga Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira Turkiga iyo saldhigga Muqdisho ee loo yaqaan Turksom.

Diyaaradaha Drones-ka ah ee uu Turkiga keeno ayaa sidoo kale ka wada howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Ankara waxa ay ku biirtaa ku dhawaad ​​$30m sanadkii miisaaniyada Soomaaliya, sanadka 2020, waxa ay Soomaaliya ku bixisay dayn $3.4m ah oo IMF ah.

Bishii Febraayo, Turkiga iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis dhameystiran oo difaaca badda, kaasoo faraya in Turkiga uu biyaha Soomaaliya ka difaaco argagixisada, burcad-badeedda iyo khataraha dibadda tobanka sano ee soo socda.

Bishii Maarso, waxay saxiixeen heshiis sahamin iyo qodis tamar ah oo lagu beegsanayo kaydka tamarta laga dhaliyo ee aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya, kaas oo aan weli la horumarin ilaa horraantii 1990-meeyadii. Heshiiska waxa kale oo ku jira sahaminta dhulka.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa isha lagu hayay markii wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu bishii November shil gaari oo dhimasho sababay uu ka dhacay magaalada Istanbul isagoo isticmaalayay baabuur ay ku qoran yihiin taariko diblumaasiyadeed.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha ayaa dalka ka dhoofay ka hor inta aan maxkamad la soo taagin, taasoo dhalisay muran iyo cambaareyn. Waxa uu ku laabtay Turkiga bishii Janaayo, waxaana la soo taagay maxkamad, waxaana lagu xukumay 2.5 sano oo xarig ah, kaas oo markii dambe loo beddelay $ 900 oo ganaax ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo Salaan-Sharaf ka qaatey Ciidanka Badda Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay uga go’an tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato Itoobiya.

  • Soomaliya

    12-01-2025

  • 05:48PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Ku Wajahan Masar, Muxuu Ka Doonayaa?

Wararka la xiriira safarkan ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh…

  • Soomaliya

    12-01-2025

  • 02:22PM