Turkiga oo shaaciyay mowqifkiisa xayiraada hubka laga qaadey Soomaaliya

Image
Ankara ayaa waxa uu kamid yahay dowladaha ka caawiya Muqdisho la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

ANKARA, Turkey - Turkiga ayaa Sabtidii waxa uu soo dhaweeyay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka uga qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

"Waxaan u rajaynaynaa in go’aankan taariikhiga ah uu keenayo waa cusub oo beera nabad, barwaaqo iyo rajo xooggan oo mustaqbalka Soomaaliya ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Waxa ay intaasi ku dartay in Ankara "Si kasta oo ay tahay, waxaan sii wadi doonto garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada Soomaaliya xilligan cusub”.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Jimcihii si aqlabiyad leh ugu codeeyay in la qaado xayiraadii ugu dambeysay ee hubka la geeyo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka.

Golaha Ammaanku wuxuu markii ugu horreysay Soomaaliya ku soo rogay cunaqabatayn guud iyo mid dhammaystiran sannadkii 1992-kii, taasoo ka dhalatay colaaddii iyo xaaladda bani'aadamnimo ee sii xumaanaysay ee dalka.

Turkiga ayaa waxa uu kamid yahay dowladaha ka caawiya Soomaaliya la dagaalanka kooxda Al-Shabaab waxaana xukuumadda Ankara ay tababar iyo qalab ku caawisaa askarta xukuumadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM