Ugaas Cabdiraxmaan oo ku geeriyooda Baladweyne gobolka Hiiraan

Image

03 January, 2015(GO)-Allaha u naxariistee waxaa maanta magalada Baladweyne ku geeriyooda Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo kamid ahaa waxgaradka sida weyn looga yaqaanay gobolka isla markaana ku guda jiray xallinta dagaal beeleed ka taagan xarunta gobolka Hiiraan.

Ugaaska ayaa u geeriyooday xanuun ku soo booday xilli uu fadhiyay madal looga hadlayay xal u helista khilaafka beelaha, waxaana loola cararay cusbital ku yalla magalada halkaas oo ugu dambayn ku nafwaayay.

Allaha u raxmadee, marxuumka ayaa kamid ahaa waxgaradka laga qadariyo gobolka islamarkaana ka ahaa xubin fir fircoon duubka, wuxuuna hadda faraha kula hiray qaabkii loo dhammayn lahaa dagaal soo noq noqday oo dad badan ku dhinteen.

Marxuumka ayaa, sidoo kale qayb ka ahaa waxgarad ku hawllan maamul u samaynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, wuxuuna dhawaan degmadaasi ka furay shir looga hadlay aayo katalinta gobolka iyo hormarin lagu sameeyo garoonka xarunta Hiiraan.

Madaxweynaaha Somalia ayaa tacsi kadiray geerida marxuumka, wuxuuna ALLE uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM

Weeraro ka dhici lahaa Muqdisho oo laga hortagay

NISA waxay sheegtay in dadka la xiray loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo sharciga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:19AM