Uganda oo shaacisay tirada Askarta looga dilay weerarkii Buula-Mareer

Image

KAMPALA, Uganda – Dowladda Uganda ayaa ka hadashay tirade Askartii looga dilay weerarkii Al Shabaab maanta ku qaadey saldhigga AMISOM, ee deegaanka Buula-Mareer.

Afhayeenka Ciidamada Uganda, Brig. Richard Karemire ayaa xaqiijiyay in 4 Askari oo kaliya uga dhinteen weerarka, isagoo beeniyay warka kasoo baxay Al Shabaab ee ahaa in 59 Askari la dilay.

Brig. Richard Karemire oo la hadlay Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegay in afar kale ay uga dhaawacmeen, waxaana dhanka kale uu sheegay in Al Shabaab ay ka dileen 22 xubnood.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo loo adeegsaday labo gaari oo walxaha qarxa lagu soo xiray, kuwaasi oo irida saldhiga lagu qarxiyay, kadibna ay xigtay dagaal toos ah oo lagu qaadey Ciidamada.

Ku dhawaad 100 dagaalyahan oo aad u hubaysan ayaa la sheegay inay ka qeyb-qaateen weerarka, kaasi oo qeyb ka ahaa lix weerar oo Al Shabaab maanta ka fulisay gobolka Shabeellaha Hoose.

“Weerarka waa la iska caabiyay, laakiin dhowr askari ayay ku wayeen Ciidamada Uganda qaraxyada baabuurta loo adeegsaday ee ka dhacay irida,” ayuu yiri Colonel Axmed Xassan, oo kamid ah Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo ku sugan Buula-Mareer.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyada ay ahaayeen kuwa culus, oo xigay rasaas mudo ku dhaw 3 saac socotay taasi oo ay is-waydaarsadeen xoogaga Al Shabaab iyo Ciidamada AMISOM.

“Waxay noo ahayd maalin cabsi badan, laakiin xaaladda hadda way degan tahay,” ayuu yiri Nuur Yuusuf oo kamid ah dadka deegaanka, isagoo intaasi ku daray in Ciidamada ay xaqiijiyeen amniga.

Afhayeen u hadlay Al Shabaab ayaa xaqiijiyay in 14 dagaalyahan uga dhinteen weerarka Buula-Mareer, kaasi oo noqonaya midkii ugu xoog badnaa oo Kooxda ka fuliso gobolka mudo bilooyin ah. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM