Ukraine oo shaacisay tirada muwaadiniinteeda ee la socday diyaaradii gacanta u geshay "AS"

Image
Diyaarada ayaa saarnaa dad u dhashay dalalka Ukraine, Masar, Uganda iyo Soomaaliya.

Kiev (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ukraine ayaa xaqiijisay in Afar qof oo u dhashay dalkaas ay saarnaayeen diyaaradii Helicopter-ka oo ay Al-Shabaab ku qabsatay bartamaha Soomaaliya toddobaadkan.

Diyaarada Helicopter-ka oo ay Qaramada Midoobay leedahay ayaa waxaa saarnaa sagaal qof waxayna ku guda jirtay daad gureyn caafimaad, kadib markii cilad farsamo ay ku qasabtay inay ku degto meel u dhow deegaanka Xiindheer ee gacanta ugu jira kooxda “AS”.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa goor sii horeysay sheegay in diyaarada ay saarnaayeen muwaadiniin u dhashay dalalka Masar, Uganda iyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii sheegtay inay ku howlan tahay sidii ay u soo badbaadin lahayd maxaabiista, balse saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay ku adkaan doonto maadaama deegaanka uu muddo toban sano ka badan gacanta ugu jirtay “AS”.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hal qof oo saarnaa diyaaradda helicopter-ka la dilay lix kalana la qafaashay. Waxay intaas ku dartay in laba qof ay carareen oo aan ilaa haatan  la garanayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM