UN-ka oo bogaadiyey talaabo ay qaadey Jubaland

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, oo booqasho ku timid Jubaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Dowlada Jubaland ay xalay soo dhamaystirtay xubnahii ku dhimanaa ee Aqalka Sare taas oo dardargalin doonta howlaha Doorashooyinka.

Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa Jubaland uga mahad celisay sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare iyadoo hoosta ka xariiqday in Qaramada midoobay ay tageerayso howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM