Urur ballan qaaday ka qeyb qaadashada dagaalka AS ee ka bilaaban doona Koonfur Galbeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka Ahlusunnah Waljamaaca ee fadhigoodu yahay deegaanada maamulka Galmudug ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka billaaban doona deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Culimadan oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku nuuxnuuxsaday doorkooda taariikhiga ah ee ay ku leeyihiin la dagaalanka afkaarta shisheeye ee xagjirka ah.

Waxa ay sheegeen in dagaalkan uusan waxba ka duwaneyn kuwii dhiggiisa ahaa ee ay culumada Soomaaliyeed kula dagaalameen gumeysiga.

Waxaa la filayaa in dhawaan uu bilowdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolada Koonfureed, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed ay ku celceliyeen inay u diyaar-garoobeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM