Ururadii Siyaasadda Puntland oo isu badalay Bakhaaro

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Soomaaliya - Golayaasha Deegaanka ee degmooyinma Puntland ee lagu soo doortay doorashadii lagu muransanaa ee aan wali ka qabsoomin kala bar gobalada Puntland ayaa sheegay in go'aamadi degmooyinka ay doonayaan in ay yeeshaan shakhsiyaadka ururada iska leh isla markaana ay ka macaashaan.

Dhawaan ayaa waxaa soo baxay in ururka madaxweyne Deni iyo qoyskiisa ee KAAH iyo ganacsadaha haysta dhalashada Maraykanka ee, Maxamuud Khaliif Jebiye oo ay isku deegaan yihiin ay ku heshiiyeen in ay ka wada macaashaan degmooyinka ay ururadooda xubnaha ka heleen.

Tan ayaa codkii dadka u yeeshay waji deegaan iyo Dano gaar ah laga leeyahay oo ay qaadaceen arintaasi golayaasha deegaan ee degmooyinka Galkacyo, Dhahar, Rako-Raaxo, Xarfo, Xingalool, Burtinle iyo kuwa kale.

Golayaasha deegaan ee la sheegay in ay codka dadwaynaha kusoo baxay ayaa ku doodaya in ay iyagu is doortaan halka Jebiye iyo Deni oo isku qoys ah doonayaan ka macaashka mashaariicda degmooyinka ayuu u sheegay GO mid kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee Galkacyo oo ka gaabsaday in aan xusno.

Tan ayaa u muuqata mid muujinaysa heerka Musuqa madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga ah ay bilooyinka uga hareen ee Deni iyo ganacsadaha jaalka la ah ee Jebiye.

Cabashada golayaasha deegaanka Puntland ayaa ah mid u iftiiminaysa bulshada walaaca laga qabo hanaankan awalba lagu muransanaa.

Dadwaynaha Puntland ayaa si wayn u xusuusata doorashada gudoonka golaha deegaanka ee Eyl halkaasi oo madaxweyne Deni Gudoomiye iyo ku xigeenba u boobay ururkiisa kaah sida ay qireen ururada haatan kula jaalka in la musuq-maasuqo degmooyinka kusoo baxay hanaan ay ka maqan yihiin ku dhawaad kala bar gobaladi Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM