Ururka Al-Shabab oo deegaano laga qabtay

Image

Mamulka KMG ah ee Jubba ayaa maanta oo Arbaco ah warbaahinta gudaha u sheegay kooxda Alshabab inay ka qabsadeen deegaano hor leh oo hoos yimaada magalada Kismaayo.

Taliyaha ciidanka Jubba Aadan Maxamuud ayaa sheegay inay maanta dagalyahanadda Alshabab ka qabsadeen deegaanka lagu magacaabo Cabdi Dhoore oo qiyaas ahaan 45km dhanka galbeed Kismaayo kaga beegan balse sarkaalkan ma uusan sheegin inay ciidan dagaalka kaga dhinteen.

Wararka degaankaasi laga helayo ayaa sheegaya inuu cuslnaa dagaalka ciidanka Jubba iyo Alshabab dhexmaray iyadoona ciidanku ay damacsan yihiin inay gacanta kusii dhigaan deegaanadda kale ee ay gacanta ku hayaan kooxdu.

Madaxwaynaha mamulka Jubba Axmed Maxamed Madoobe ayaa sheegay inay ka go'an tahays sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa deegaanadda ay mamusho ALshabab ee ka tirsan Jubbooyinka.

Ciidankan howgalka sameeyay ayaa dhowan tababar kusoo qaatay Jaamacadda Kismaayo waxana u dhamaystiran agabkooda dagaalka sida uu shegay Axmed Madoobe.

Alshabab ayaa wali mamusho deegaano Jubbooyinka ka tirsan iyadoona dadka ku nool deegaamadda ay kooxdu ka taliso ay walaac ka muujiyeen ficiladooda qaldan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo Gaar ah oo ilaalo u ah Madaxweyne Deni oo loo diray Muqdisho

Kulankan, oo markii hore loogu qorsheeyay Axadda maanta, ayaa dib loo dhigay sababo farsamo awgood.

  • Soomaliya

    01-02-2026

  • 07:37AM

Garsoore Federaal ah oo Amray in la Sii Daayo Wiil Shan Jir ah iyo Aabbihii oo ay ICE Xirtay

Garsooraha, Fred Biery, ayaa go’aankiisa ku sheegay in waraaqaha qabashada ee ay hay’adaha…

  • Soomaliya

    01-02-2026

  • 05:28AM