Ururka Iskaashiga Islaamka oo mar kale garab-istaagay Soomaaliya

Image
Midowga Baarlamaanada Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa bayaan kasoo saarey heshiis-beenaadkii Itoobiya iyo Somaliland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeebgalay Shirka 18-aad ee Midowga Baarlamaanada URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA (PUIC)  "Parliamentary Union of the OIC Member States (PUIC)".

Guddoomiyha waxaa shirkaan ku wahlinaya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Shirkan oo looga hadlayay Isbadalka Cimilada Aduunka ayaa waxa uu ka socdaa Magaalada abidjan ee Caasimadda Wadanka IVORYCOAST 

Intaas Kadib Guddomiyaha oo hadal kooban ka jeediyay shiraka ayaa ka warbixiyay xaalada Arrimaha Somaliya iyo sidoo kale heshiis beenaadkii ay galeen Itoobiya iyo Soomaaliland, isku dayga xad-gudbay Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Abshirow ayaa sheegay in Itoobiya ay jibisay inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadiida deris-wanaagga, ixtiraamka Madaxbanaanida dhuleed ee Dowladda Soomaaliya.

Gabagabadii, shirka Midowga Baarlamaanada Ururka Iskaashiga Islaamka (PUIC) ayaa lagu caddeeyay inay si buuxda u diideen heshiis beenaadkii ay galeen Itoobiya iyo Soomaaliland, isku dayga lagu xad-gudbay Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka PUIC ayaa waxa uu soo jeediyey Itoobiya inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadiida deris-wanaagga, ixtiraamka Madaxbanaanida dawladaha, iyo in aan la faragelin arrimahooda gudaha si loo helo amni iyo xasilooni ka dhalata gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM