Ururka Midowga Yurub oo ka hadlay dhimashadda Almaas Elman

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa cambaareeyay dilka Almaas Elman oo u dhimatay xabad ku dhacday xili ay gaari ku mareysay wadada u dhaxeysa Xalane iyo madaarka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Almaas ayaa xiligaas kasoo baxday shir uu Midowga Yurub qaban-qaabiyey oo looga hadlay arrimaha horumarinta degaanada miyiga dalka.

Marxuumadda oo sarkaal dhanka warbaahinta u qaabilsan ahayd EU-da ayaa 2016-kii illaa iyo 2017-kii ahayd xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka deriska la ah ee Kenya.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga, ayaa sheegay in ay aad uga xun-yihiin khaarijinta da'yartaan arrimaha nabadda u dhaqdhaqaaqi jirtay isla markaana haysatay dhalashadda Canadda.

"Qoyska EU-da ee Soomaaliya aad ayey uga naceen dhimashada lama filaanka ee Almaas Elman. Waxaan aad ugu faraxsanahay tamarta ay bilooyin na siisay," ayaa ku yiri qoraal uu Twitter-kiisa soo dhigay.

Xerada Xalane oo ammaankeeda aad loo ilaaliyo ayaa waxay saldhig u tahay dowladdo badan kuwaasoo ku leh safaarado.

"Xusuusteeda way nala jireysaa. Qoyskeeda waxaan u xaqiijineynaa midnimadeena, waxaana ku dhiirogelinaynaa in ay bedel wanaagsan ka helaan Almaas," ayuu hadalkiisa raaciayay Berlanga.

Sanadihii u dambeeyay, Soomaaliya ayaa ahayd meel dilal qorsheysan loogu maleego xubnaha u ololeeya arrimaha xuquuqda aadanaha, siyaasiyiinta, wariyeyaasha iyo xitaa dadka ka shaqeeya bini'aadanimada.

Dhinaca kale, taliska booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay baaritaan ku bilaabeen kiiskan isla markaana fureen gal-dacwadeed ay qayb ka noqon doonan baareyaal ajaaniib ah kuwaas oo aan la magac-dhabin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM