Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

Image
6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

Rabat (GO) - Ururada aan dowliga ahayn ee Marooko ayaa ka codsaday dawladooda inay soo faragaliso sidii loo sii dayn lahaa muwaadiniinta Marooko ee ay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ku xukuntay dil toogasho ah.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen ururadan ayaa waxa ay ku sheegeen inay ka war heleen xukun lagu riday koox ka kooban lix qof oo u dhashay Marooko 2-dii March.

Hay’adahan ayaa dhaliilay xukunka dilka ah ee ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, waxayna ku nuuxnuuxsadeen in eedaysanayaasha ay Soomaaliya u yimaadeen ujeedooyin shaqo.

Lix qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish ee Soomaaliya, iyaga oo ka baxsaday ururkaasi xaalad Shaqo oo adag awgeed.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM