Villa Soomaaliya oo martigelisay shir lagu jeexjeexay qadiyadda Dastuurka

Image
Kulankan waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Xassan Sheekh, Guddoonka baarlamaanka 11-aad iyo xubnaha guddiga dib-u-eegista dastuurka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xassan Sheekh, Guddoonka baarlamaanka 11-aad iyo xubnaha guddiga dib-u-eegista dastuurka ayaa xalay waxa ay dood dheer ka yeesheen qadiyadda wax ka badalka Dastuurka.

Warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in kulankan oo ka dhacay Villa Soomaaliya ay diiradda ku saareen dhinacyada qodobo ay wadatay Villa Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay in nidaamka baarlamaanka laga guuro isla markaana la aado Madaxtooyo, sidda ay xaqiijiyeen Illo wareedyo.

“Xisbiyada siyaasada ayaa laga doodey in laga dhigo sadex xisbi, oo laga tanaasulayo labadii xisbi ee dastuurka cusub lagu soo daray,” ayay Garowe Online u sheegeen dadka xog-ogaalka ah.

Jagada Madaxweyne kuxigeenka ayaa la isku fahmay in aan aan la abuuri karin, “bedelkeedana la qaato Ra’iisulwasaare madaxweynuhu magacaabi karro, ceyrin-na karro,” ayay xuseen illo wareedyadda.

“Tiradda guddiga doorashada, oo ahayd 15 in laga dhigo 18 xubnood, ayna qabanqaabiyaan doorasho qof iyo cod ah ayaa kulanka si weyn loogu jeexjeexay,” ayay xogta muujineysaa.

Puntland ayaa habeenkii xalay qoraal ay soo saartey ku diidey wax ka badalka Dastuurka, waxayna ka digtey in Barlamanka Soomaaliya qaadin talaabo khatar galin karta midnimada Soomaaliya. 

Sikastaba ha ahaatee, dhamaan qodobadan ayaa ah kuwa ay dooda ugu badan ay ka taagan tahay isla markaana loo badinayo in ay ka dhalan karto duufaano siyaasadeed oo xoogan haddii aanan heshiis wadajir ah laga gaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Sheekh Shariif oo Dhaliilay Qorshaha Doorasho Qof iyo Cod ee Xasan Sheekh

C/Ismaaciil Samatar ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si ballaaran looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka.

  • Soomaliya

    15-01-2025

  • 09:16AM

CC Cabdishakuur: Xasan Sheekh wuxuu iska indhatiray dagaalka Puntland kula jirto Daacish 

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo Puntland ay wado howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Daacish kaasoo ka socda Gobolka Bari.

  • Soomaliya

    14-01-2025

  • 05:18PM