Villa Soomaaliya oo raadineysa la kulanka Qalbi Dhagax

Image

NAIROBI- Qalbi Dhagax oo ku sugan magaalada Nairibi ayaa waxaa kulamo kala duwa magalada Nairobi kula leeyahay siyaasiyiin Soomaali ah.

Hotelka uu la dagan yahay magaalada Nairobi ayaa marka laga soo tago dadweynaha soo booqanaya ayaa waxa kulamo uu la yeeshey xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwo mucaaradka ku ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isal wasaare Khayre iyo siyaasi Cabdiraxman Cabdi Shakuur.

Mahad Salaad iyo Axmad Macalin Fiqi ayaa hogaaminayey xildhibanada kulamada la qaatey Cabdikariim Shiikh Muse ‘Qalbi dhagax’ Kuwasoo sida ay ku bahiyeen baraha bulshada sheegey iney u gidbiyeen fariimo ay uga sideen shacabka.

Dhinaca kale waxaa maanta la filayey in kulan la qaataan Qalbi Dhagax mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Federalaka kuwasoo uu hogaaminayey Wasiirka duulista Hawada.

Warar warsidaha GO heley ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta dowlada oo xiliga warkaan aan heleyno ku sugnaa Hotelka Qalbi Dhagax dagan yahay uu horkacayey siyaasi Farax Macalin oo horey Barlamanka Kenya Afhayeen uga soo noqdey.

Farax Macalin oo wayadaan dambe aad ugu dhowaa Villa Somalia ayaa sida aan wararka ku heleyno u saamaxayey in Qalbi Dhagax aqbalo la kulanka mas’uuliyiinta ka socotey dowlada Federalka.

Qalbi Dhagax ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo ka hadlo xaflad dadka Soomaalida Reer Kenya ugu qaban doonaan magaalada Nairobi taasoo la filayo inuu ka sheego sidii loo qabtey iyo dadkii ka dambeeyey.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxay kala kulantey Culeys siyasadeed soo daynta Qalbi Dhagax iyadoo hadal dhowaan uu jeediyey safiirka dalka Ethiopia u fadhiya Muqdisho ku sheegey in sii daynta sarkaalkaan ka tirsanaa ururka ONLF timid kadib markii codsi kaga yimid wadankiisa Villa Somalia. 

Cabdikarim Shiikh Muuse ayaan weli cadeyn dadkii ka dambeeyey dhiibistiisa isagoo hadal kooban uu ka jeediyey Addis Ababa aan si faahfaahsan u sheegin qabashadiisa iyo shaqsiyaadkii ka shaqeeyey.

Magalaada Nairibo ayaa sidoo kale waxaa ka socda kulamo ay ku yeelanayaan Xildhibaano ka tirsan aqalka hoose ee Barlamanka Soomaaliya kuwasoo mucaarad ku ah Madaxa sare ee dalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM