Waa kuma ninka Afarta wariye ku dhex dilay Radio Muqdisho ee Muqdisho lagu xiray?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay soo xirtay oo ay dalka kusoo celisay Sufyaan Axmed Taakeeye oo warbaahinta ka taageeray kooxaha Argagixiso.

Taakeeye ayaa wariyayaashii hore ee Radio Muqdisho waxaa ay qireen in uu 1991 uu gudaha Radio Muqdisho ku dilay 4 wariye oo iyagu kasoo jeeday gobalada waqooyi bari gaar ahaan Galkacyo dhanka Puntland.

Intaas kadib Sufyaan waxaa uu u baxsaday dibada isaga oo haysta dhalashada Maraykanka.

Arinta LAyaabka leh ayaa ah in ninkaan uu kusoo caan-baxay isaga oo geesaha iska dhigay afar haween ah oo uu sheegay in ay xaasaskiisa yihiin.

Bulshada ayaa indhaha ku haysa furida kiiska Taakeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM