Waa sidee xaalada Buurdhuubo oo xalay Al-Shabaab la wareegtay?

Image

BUURDHUUBO - Waxaa deggan saakay xaaladda degmada Buurdhoobo, ee gobolka Gedo kadib markii Al Shabaab ay la wareegtay xalay gacan ku heynteeda mudo kooban.

Dadka deegaanka qaar oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in Al Shabaab ay isaga baxday saakay degmada, iyadoo ay dib ugu soo laabteen Ciidamadii dowladda ee dagaalka looga saarey xalay.

Khasaarooyin kala duwan ayaa labada dhinac kasoo garey dagaalkii xalay ku dhexmaray degmada Buurdhoobo, inkastoo aan la xaqiijin tirada rasmiga ah.

Iska hor-imaadka oo xoogiisa ka dhacay difaaca hore ee Ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka magaalada, waxaana la isku adeegsaday hubka culus.

Dagaalka oo mudo kooban socday ayaa gudoomiyaha degmada Xasan Maxamuud Cali waxa uu sheegay in uusan ka dhalan wax khasaaro ah, isla markaana ay iska difaaceen Al-Shabaabkii soo weeraray.

Xasan ayaa dhanka kale beeniyay wararka sheegaya in Al Shabaab ay mudo kooban la wareegtay degmada. 

Buurdhuubo waxay kamid tahay degmooyinkii Al Shabaab laga saarey 2014-kii, waxaana gacanta ku haya Ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban oo Jubbaland, dowladda Federaalka iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM