Waare oo magacaabay xubnaha HirShabelle ee guddiga farsamadda

Image
Image

JOWHAR, HirShabelle - Madaxweyne Waare ayaa wuxuu magacaabay laba xubnood oo maamulkiisa HirShabelle ku metelaya guddiga farsamo ee kasoo talobixinaya nooca doorasho ee dalka ka dhici karta sanadka 2020-21.

Labada xubnood ayaa kala ah; Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, Maxamed Cali Caadle iyo Madaxa Xafiiska Amniga Dowladda Hirshabelle. Abdul Mohamed Farah Makaran.

Sidda lagu sheegay wareegto kasoo baxdey xafiiska Waare, magacaabidaan ayaa daba socota go'aannadii kasoo baxay wejigii labaad ee shirka Dhuusamareeb kaasoo ay yeesheen madaxda dowladda iyo maamualda.

"Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa isagoo ka duulaya Warmurtiyeedka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Ee Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa Magacaabay Xubnaha Hirshabelle Ku Matalaya Guddiga Farsamada ee Doorashooyinka Dalka," ayaa lagu yiri.

Guddigan farsamo oo ka kala imaan doona dowladda federaalka ah iyo maamuladda ayaa looga fadhiyaa in ay warbixin kusoo gudbiyaan laba todobaad gudahooda kahor wejiga saddexad ee shirka 15-ka bisha August.

Nooca ay noqoneyso doorashadda loo qorsheeyay 2020-21 wuxuu ahaa qodobka ay madaxda isku fahmi-waayeen mudadii ay ku shirsanaayeen caasimadda Galmudug, iyagoo aakhiritaankii isla qaatay in ay guddi u saaraan.

Puntland iyo Jubaland ayaa horey u magacowday xubnaha ku metela guddigaan, waxaana la filayaa in sidaan oo kale ay magacaabaan maamuladda kale ee waddanka iyo xubnaha ka imaan doona dhanka Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM