Wabiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Buuloburde

Image

BUULOBURDE, Soomaaliya - Wabiga Shabeelle ee dhexmara degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada.

Xafadaha Bogabeyso, Indhaceel, Wadajir iyo Xajibuube ayuu karkaarada ka jabsaday Wabiga oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waday Biyo aad u farabadan, waxaana laga cabsi qabaa inuu fatahaad hor leh uu ka sameeyo xafadaha Hanti-wadaag iyo October oo aan waligod biyo gaarin.

Buundada ayaa halis ugu jirto in ay go’do maadaama Biyaha buux dhaafiyeen, waxaana shacabaka ay isticmaalayaan Doomama Matoorka ah.

Waxaa sidoo kale la warinaya in gudaha magaalada uu ka bilowday barakac aad u baahsan oo ay sameynayaan dadka deegaaanka, kuwaas oo deegaansanaya dhulka taagga ah si ay fataahada uga badbaadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM