Wadamada ATMIS oo taageeray Codsiga Soomaaliya ee ku aadan hakinta bixitaanka Ciidamadooda

Image

NAIROBI - Dowladaha Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi oo ay ciidamo nabad ilaalin ah ka joogaan Soomaaliya ayaa sheegay in ay taageersan yihiin codsigii Soomaaliya ee ahaa in si KMG ah loo hakiyo dhimista ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkan ayaa warqad u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyagoo ku xusay inay ka go'an tahay xaqiijinta xasilloonida Soomaaliya.

Warqadda ayaa lagu sheegay baahida loo qabo in Soomaaliya ay hesho ciidamo ku filan oo hanan kara mas’uuliyadda amniga.

Go’aanka lagu taageeray joojinta shaqada ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo Al-Shabaab ay sii kordhayaan weerarada ay ku qaadayaan xarumaha ciidamada iyo magaalooyinka laga qabsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM