Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo maanta xiran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shacabka Muqdisho ayaa saaka kusoo toosay iyadoo ay xiran yihiin qaar kamid ah wadooyinka ugu waaweyn ee magaalada, iyadoo aysan jirin ogeysiis hore oo ku aadan arintan oo dowladda bixisay.

Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah Isgoysyada Sheekh Cali Suufi, Isgoyska Bakaaraha, Isgoyska Hawlwadaag, Isgoyska Afarta Darjiin illaa Isgoyska Sanca kuwaasi oo baabuurta loo diidayo inay dhanka Maka Al-Mukarama usoo gudbaan.

Ciidamada Nabad Sugida ayaa jidgooyooyin dhigtay jidadka xiran, iyagoo hakiyay isku socodkii gaadiidka BL-ka ee dadweynaha, waxaana dadka saaka ahaayeen kuwa isticmaalaya lugta si ay ugu gaaraan goobaha shaqada, waxbarashada iyo caafimaadka.

Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli xalay xilalka ay ku kala wareegeen Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Eng Yariisow iyo midkii hore ee xilka laga qaadey, Thaabit Cabdi Maxamed kadib munaasabad ka dhacday Aqalka hoose ee dowladda Xamar.

Shacabka Muqdisho ayaa dhibaato xooggan ku qaba wadooyinka ciidamada ay xiraan, taasi kasoo gaara khasaarooyin dhaqaale iyo mid waxbarasho maadaama ay ka xirmaan xilliyadan xaruumaha shaqada iyo waxbarashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM