Wafdi gaaray magaalada Baydhabo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Wafdi isugu jira wasiirro iyo taliyaal ciidan, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mas'uuliyiinta ayaa ka qayb galaya shirka maalinta barri ah lagu wado inuu ka furmo magaalada Baydhabo, kaasi oo qayb ka ah madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayay doorashada dadban ee dalka ka dhici doonta 2016.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo wafdiga la socday ayaa booqday goobta lagu qabanayo shirka, iyagoo soo indha-indheeyay dayactir lagu wado halka shirku ka dhacayo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo kormeer kadib la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay martigalinta shirka Qaran, isagoo ballanqaaday inuu u qabsoomi doono qaabkii loogu talo galay.

Wararka uu helayo warsidaha Garowe Online ee shirkaasi ku aadan ayaa sheegaya inay macquultahay dib u dhac ku yimaada kulankaasi mar kale, sababo la xiriira mas'uuliyiintii ka qayb gali lahaa oo aan wali tagin magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha dowladda Soomaliya, Ra'isal wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada, ayaa wali tagin halkaasi, waxaana laga yaabaa inuu marka kale qabsoomi waayo waqtigii loogu talo galay aweed oo yar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM