Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa goor dhoweyd lagu soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wafdigan oo ay hogaaminayeen guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cabdullahi Timacade iyo wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Jaamac Khaliif ayaa waxaa ka mid ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee Soomaaliya.

Ujeedada koobaad ee wafdigan Laascaanood ku tageen ayaa la sheegay in ay ahayd sidii ay wadahadal ula yeelan lahaayeen maamulka SSC-Khaatumo iyo odayaasha dhaqanka deegaanka. Wada-hadalladan ayaa ku saabsan xaaladda magaalada oo lagala wareegay maamulka Somaliland.

Weftigu ayaa sidoo kale soo indhindheeyay xaafadaha Laascaanood oo ay gaareen burbur xooggan oo ka dhashay duqeymo ay ciidamada Somaliland ku garaaceen bilihii u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM