Wafdi ka socda Soomaaliya oo la kulmay madaxda sare ee India [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

NEW DELHI, India - Wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed ayaa booqasho ku tagey dalka India.

Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdigiisa ayaa lagu qaabilay Aqalka Madaxtooyadda India halkaasi oo ay kula kulmeen Madaxweynaha dalkaasi Ram Nath Kovind, Ku Xigeenkiisa Venkaiah Naidu iyo Ra’iisul wasaare Narendra Modi

Madaxda ugu saraysa dalka India ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyey wafddiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo safar ku jooga Dalkaasi India, oo booqasho rasmi ah ku tagey wadankaasi.

Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgallaya shir Caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysaiga kheyraadka dabiiciga ah ee Tamarta oo maanta ka furmaya magaalada New Dalka ee Dalkasi India.

Wafuud ka socota 121 Dal oo Africa, Asia iyo qaaraddo kale ka kala yimid, ayaa shirka lagu casuumay, kaasi oo ay soo qaban-qaabisay dowladda India.

Wafddiga Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta ay joogaan Dalkaasi India kulammo la yeelan doona qaar kamid ah madaxda shirkaasi ka qaybgalaysa oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dhinac.

India ayaa xabsiyadeeda kasoo daysay 120 maxbuus oo arrimo la xiriira burcad-badeednimo, kuwaasi lagu soo celiyay dalka kadib markii ay heshiis dhanka is-dhaafsiga maxaabiista la gashay dowladda Federaalka Soomaaliya bishii August, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM