Wafdi uu hogaaminayo Jawaari oo gaarey Baydhabo

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismana Jawaari ayaa maanta oo Isniin ah ka dagay magaalada Baydhabo.

Jawaari oo ay wehliyeen Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka, Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin katirsan maamulka Koonfur galbeed.

Ujeedka socdaalka Jawaari ayaa ah sidii uu uga furi lahaa Baydhabo Shir khilaaf ka taagan, oo ay isagu imaanayaan Gudoomiyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo kan Federaalka.

Shirka oo la filayay inuu maanta furmo ayaa dib u dhacay sababo la xiriira khilaadka taagan, kaasi oo u dhaxeeya gudoonada Aqalka Sare iyo Gollaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka digay horaantii bishan qabashada Shirkan, oo lagu abuurayo madal ay ku midaysan yihiin Gudoonada Baaralamaanada maamullada ka jira dalka iyo Gollaha Shacabka. Halkan ka akhri.

Madasha la dhisanayo ayaa lagu tilmaanay mid sharci darro ah, oo ujeedkeedu yahay in la wiiqo xiriirka wadashaqeyn ee Aqalka Sare iyo Baarlamaanada maamullada Federaalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM