Wafdiga DF ku metelaya wadahadalka Somaliland oo u dhoofay Jabuuti

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wafdiga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uga qeybgalaya shir-madaxeedka Jabuuti ayaa goordhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo, ra'iisul wasaare Khayre iyo afhayeenka Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa kamid ah wafdiga.

Mas'uuliyiintan ayaa ka qeybgalaya shirka ay Jabuuti martigelineyso ee looga arrin-sanayo wada-xaajoodyadda Soomaaliya iyo Somaliland oo ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu soo agaasimay.

"Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa goordhaw u ambabaxay dalka Jabuuti halkaas oo ay kaga qeyb galayaan wadahadallada DFS iyo Somaliland," ayay tiri Madaxtooyadda Soomaaliya oo uu arkay GO.

Lama soo bandhigin ajendaha wadahadalka oo aan la aqoon waqtiga uu qaadan doono iyo nooca war-murtiyeed ee kasoo baxaya.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku dhawaaqay in uu isaga shir-gudoomin doono kulanka Farmaajo iyo Biixi.

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa waxay sidoo kale goobjoog ka noqon doonan shirka oo korjoogto guud uu ka yahay Mareykanka.

Wadahadaladda ayaa kusoo hagaagaya xilli madaxweyne Farmaajo uusan kasoo jawaabin codsi ka yimid Aqalka Sarre oo ah in uu miiska wadahadalka la fariisto maamul goboleeyadda si looga heshiiyo doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM