Wafdiga Jubbaland oo ku biiray Shirka Brussels [Maxaa lagu qanciyay?]

Image

BRUSSELS, Belgium - Waxaa lagu guuleystay in lagu soo biiriyo wafdiga Jubbaland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe Shirka arrimaha Soomaaliye ee Brussels, kadib markii laga qanciyay qodobada markii hore uga biyo diiday ka qeyb-galka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in Saraakiil katirsan Midowga Yurub ay la kulmeen Axmed Madoobe iyo wafdigiisa, iyagoo ka raalgeliyay waxyaabihii ay tabanayeen, ee ahaa in wax ka bedel lagu sameeyay ajandiyaasha shirka iyo jebinta Protocal-ka.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa hadda ku biiray Shirka Brussels ka socda, kaasi oo uu diiday in furitaankiisa. [Halkan ka akhri Warbixinta].

Madaxda Soomaalida ayaan weli ka hadlin arinka Axmad Madoobe iyadoo furitaanka shirka uu maanta goob joog ahaa Ra'isal wasaare ku xugeenka Mahdi Maxamad.

Beesha caalamka ayaa aad uga xumaaday khilaafka madaxda Soomaalida ee ku sugan Shirka, kaasi oo la doonayo in go'aanno looga gaaro mustaqbalka dalka Soomaaliya.

Shirkii Madasha Iskaashiga (Somalia Partnership Forum] ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha bini'aadanimada, soo kabashada dhaqaalaha, qiimeynta horumaradii laga sameeyay heshiiskii shirarkii London iyo caqabadaha taagan sidoo looga gudbi lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM