Wafti ka socda DFS iyo IGAD oo ku wajahan Kismayo

Image

Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo urur-goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa inay maalinta berri oo Isniin ah gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoggaamin doona wafdi ka socda xukuumadda Soomaaliya, waxaana xubnaha wafdigiisa lagu wadaa inuu ka mid noqdo wasiirka dastuurka iyo garsoorka Faarax Cabdiqaadir oo markii ugu horreysay booqanaya

Kismaayo. Ergeyga gaarka ah ee urur-goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa isna lagu wadaa inuu gaaro magaalada.

Ujeeddada socdaalka wafdiga dowladda iyo IGAD ayaa lagu sheegay qiimaynta qodobbada ka hirgelay heshiiskii Addis AbaKISMAYO [ Garowe Online]- ba ee dabayaaqadii sanadkii 2013 yeesheen dowladda Federaalka iyo maamulka Jubba.

Kala soco Garowe Online wararka ka soo kordha safarka waftigaas.

 

Related Articles

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Bogaadiyay Taageerada Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]

Wixii markaas ka dambeeyay, Turkigu ballaariyay gurmadkiisa bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka fulinayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 02:19PM

Wareysi Washington ka dhacay oo dhaliyey dhaliilo loo jeediyey Madaxweyne Cirro

Cirro ayaa 14-kii Sebtembar ka hadlay Hudson Institute, oo ah xarun cilmi-baaris…

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 03:28AM