Wafti ka socda DFS iyo IGAD oo ku wajahan Kismayo

Image

Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo urur-goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa inay maalinta berri oo Isniin ah gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoggaamin doona wafdi ka socda xukuumadda Soomaaliya, waxaana xubnaha wafdigiisa lagu wadaa inuu ka mid noqdo wasiirka dastuurka iyo garsoorka Faarax Cabdiqaadir oo markii ugu horreysay booqanaya

Kismaayo. Ergeyga gaarka ah ee urur-goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa isna lagu wadaa inuu gaaro magaalada.

Ujeeddada socdaalka wafdiga dowladda iyo IGAD ayaa lagu sheegay qiimaynta qodobbada ka hirgelay heshiiskii Addis AbaKISMAYO [ Garowe Online]- ba ee dabayaaqadii sanadkii 2013 yeesheen dowladda Federaalka iyo maamulka Jubba.

Kala soco Garowe Online wararka ka soo kordha safarka waftigaas.

 

Related Articles

STC oo Ballaarisay Gacanta ay ku Hayso Koonfurta Yemen

Toddobaadkii la soo dhaafay, STC waxay billowday hawlgal milatari ay ugu….

  • Soomaliya

    12-12-2025

  • 09:07AM

Soomaaliya oo la sheegay in la dhex-marsiiyo hub loo gudbiyo Xuutiyiinta Yemen

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib shir heer sare ah oo Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 01:50PM