Wafuud ka socota QM iyo AU oo gaaray Dhuusamareeb

Image
Image

DHUUSAMAREEB - Waxaa saaka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud gaarey wafuud ay kala hogaaminayaan wakiiladda QM iyo Midowga Africa un qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Michael Keating, Ergayga QM ee Soomaaliya iyo wakiilka Midowga Africa, ahna madaxa AMISOM Francisco Madeira, ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Sheekh Maxamed Shaakir iyo madax kale.

Wakiilka IGAD, Safiirka Itoobiya, iyo saraakiil kale oo QM ka tirsan ayaa kamid ah wafuuda gaartey Dhuusamareeb, oo maanta ka dhacaysa shir lagu dhameystirayo Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Amaanka guud ee Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka soo gala la dhigay ciidamo ay kamid yihiin kuwa AMISOM, kuwaasi oo baaraya gaadiidka soo galaya magaalada.

Madaxweyne Farmaajo, Madaxda dowlad goboleedyada, Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas'uuliyiin kale ayaa ka qeybgalaya munaasabada ay ku midowga labada maamul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Taageero u Doontay Qatar Ka Dib Markii uu Joojiyay Heshiisyadii Imaaraadka

Sidaas darteed, dalka Qatar ayaa hadda u muuqda mid Soomaaliya u ah saaxiib istaraatiijiyadeed oo aad u muhiim ah.

  • Soomaliya

    06-02-2026

  • 07:31PM

Sacuudiga oo ka hadlay faragelinta shisheeye ee arrimaha gudaha Soomaaliya

Sacuudi Carabiya iyo Masar ayaa kamid ahaa dalalkii ugu horreeyay ee si cad u diida tallaabada Israa’iil.

  • Soomaliya

    06-02-2026

  • 01:11PM