Wajiga laga cabsi qabo in ay Al-Shabaab u rogto weeraradeeda
MUQDISHO, Soomaaliya - Cabsida laga qabo in maleyshiyada Al-Shabaab ay drones u adeegsato qaraxyo ayaa cirka isku sii shareertay saacadihii lasoo dhaafay kadib markii shil noocaas ah uu ka dhacay wadanka Ciraaq.
Walaacan oo inta badan ka imaanaya siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan ayaa sidoo kale wuxuu kusoo hagaagay xilli Soomaaliya ay isku diyaarineyso doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Khatartan ayaa sidoo kale waxaa biyo kulul ku shubay kadib markii mudane ka tirsanaa baarlamaanka 10aad kana soo jeeda degaanada Puntland uu soo iibsadey lix kamid ah diyaaradahaas.
Xildhibaan Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi oo hay'adda sirdoonka qaranka ku eedeeyay in ay kala wareegtay agabkaas ayaa ku doodaya in uu doonayo in uu ku waraabiyo beero uu ku leeyahay dagaankiisa.
Balse, musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si aan toos ahayn u naqdiyey dooda mudanaha ayaa ku baaqay in hay'addaha ammaanka ay si il gaar ah ku eegaan arrintaas.
"Maadaama xalay Raysalwasaaraha Ciraaq uu ka badbaaday isku day dil oo loo adeegsaday drone qarax loogu soo xiray, waxaan dalbanaynaa in si madaxbannaan loo xaqiijiyo waxa ay tahay drone ka la sheegay in Xamar lagu qabtay. Waa in hay’adaha iyo dawladaha naga gacansiiya tababarka ciidanka iyo arrimaha amniga ay hubiyaan nooca drone ka la qabtay, iyo halka ay ku socotay," ayuu yiri.
Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo taliye ku xigeenka kasoo noqdey hay'adda sirdoonka qaranka ayaa si toos ah wuxuu uga digay in diyaaradahaas aan duuliyaha lahayn ay u gacan-galaan madaxda waqtigu ka dhacay.
"Drones yaryar waxaa loo isticmaali karaa laba dhinac oo kala ah mid si nabadoon ah ama mid ciidan sida in ayada dhan laga dhigo miino qarxaysa, cabsi weyn ayay keeni kartaa 6 drones ee Ku dhacay gacanta F&F (Farmaajo iyo Fahad) waxaana suuragal ah in dhawaan la maqlo drones ayaa siyaasi hebel lagu qarxiyay asagoo jooga gurigiisa sida ka dhacday dalka ciraaq ee lagu beegsaday RW Dalkaas maalmo ka hor. Argagixisadu waa isku caqiido meel walba ay joogaan, ayaan arintaas la fududaysan," ayuu yiri.
Mareykanka ayaa horey uga digay in kooxda Al-Shabaab ay beegsato diyaaradaha jooga hoose ku duulaya ee isaga kala goosha xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.
Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa horey u baahisay in Al-Shabaab ay diyaarineyso weerar ay u adeegsato drones kana sameyneyso diyaarado noocaas ah oo ay horey gacanta ugu dhigtey.
Qaylo-dhaanta siyaasiyiinta ayaa kusoo hagaagaya iyadda oo ammaanka uu wali uu yahay mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ku wareegsan doorashooyinka iyo kala shaki wali ka dhex-taagan dowladda iyo mucaaradka.
GAROWE ONLINE