Walaac ka dhashay Xamse oo fagaareyaasha laga waayay shan asbuuc

Image
Ra’iisul Wasaarada Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay kasoo muuqdey bandhig ka dhacay Xalane 28-kii Janaayo, 2024.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Caro Barre, ayaa fagaareyaasha laga la'yahay muddo dheer oo shan toddobaad ah.

Sababaha ka dambeeya maqnaanshiyahan ayaan wali si dhab ah loo ogayn waxaana soo baxaya warar kala duwan.

Warbixinada qaarkood ayaa sheegaya inuu dibadda ku maqan yahay halka kuwa kale tibaaxayaan inuu ku jiro fasax sanadeedkiisa.

Maqnaanshiyaha Xamse ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay hadalheyn ka dhalisay guud ahaan baraha bulshadda.

Siyaasiyiin ay kamid yihiin Xildhibaano ayaa bilaabay in ay walaac ka muujiyaan. Xildhibaan Saciid Cali Fiqi ayaa kamid ah.

"Waqtigab oo kale oo ay jirto hubanti  la’aanta, waxa lama huraan ah in aynu ka fiirsi fiican ka yeelano arrinkan, isla markaana aynu u soo dhawayno, iyada oo aan loo eegin ujeeddada ku kaliftay in uu ka tago xilka uu hayo," ayuu kusoo qoray bartiisa X (Twitter).

Wuxuu raaciyay hadalkiisa: "Waxaan rajeyneynaa in uu dib u soo laabto oo uu si degdeg ah u bilaabo shaqadiisa Ra’iisul Wasaaraha, isagoo gudanaya waajibaadka ka saaran qaranka".

Sikastaba, markii ugu dambeysay ee Xamse uu fagaare kasoo muuqdey ayaa ahayd 28-kii Janaayo 2024 markii uu xaflad uga qeybgalay Xalane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diidmada Gelitaanka Mareykanka Ee Garsoore Omar Artan Oo Caro Ballaaran Abuurtay

Toddobaadkii hore ayay FIFA sheegtay in arrinta fiisaha Omar Artan si buuxda loo…

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 07:18PM

Sirdoonka Turkiga oo Wada Dadaallo Lagu Xallinayo Khilaafka Doorashooyinka Soomaaliya

Turkiga ayaa muddo dheer ahaa saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 08:21AM