Waqtiga ay Soomaaliya ka bixi doonan ciidanka Itoobiya oo la iclaamiyay

Image
Ciidamada ATMIS-ka kadib waxay ka kala iman doonaan afarta waddan ee kale ee ay ka mid yihiin Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa rajaynaysa in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka dhammaadka bisha December 2024, sidda uu sheegay Lataliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Macallin.

Sida laga soo xigtay Xuseen Macallin, ciidamada Itoobiya kama mid ahaan doonaan ciidamada AU-da ee ka howlgala dalka marka uu dhamaado howlgalka ATMIS-Somalia bisha December.

Soomaaliya waxa ay saaxiibada caalamiga ah kala xaajoonaysaa in la helo ciidamo caalami ah oo ka hawlgala Soomaaliya muddo hal sano ah laga bilaabo Janaayo 2025.

Ciidamada ATMIS-ka kadib waxay ka kala iman doonaan afarta waddan ee kale ee ay ka mid yihiin Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi.

Ciidamada Itoobiya ee bixi doona marka la gaaro December ayaa haatan waxa ay badankooda ku sugan yihiin magaalooyinka gobolada Jubaland iyo Koonfur Galbeed halkaas oo maamulada joogga ay gacansaar dhow la leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM