War cusub oo laga soo saarey Khasaaraha qaraxii Zoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudi dowladda Federaalka u xil-saartay qaraxii Zoobe ka dhacay 14-kii October ayaa soo saarey warbixin cusub oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Gudoomiyaha Gudigan oo lagu magacaabo "Gudiga gurmadka Qaran" Cabdullaahi Maxamed Shirwac ayaa Reuters u xaqiijiyay in tirada dadkii ku dhintay qaraxa ay gaartay 512 qof, iyadoo dhaawucuna uu gaarayo 316 kuwaasi oo qaarkood dibada loo qaaday.

Shirwac iyo Kooxdiisa ayaa waxay sameeyeen baaritaan dheeri ah, iyagoo la xiriiray dhamaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxa, waxayna ogaadeen in ay jiraan dad badan oo meydadkoodii la waysanaa, oo ugu dambeyn la xaqiijiyay inay dhinteen.

20-kii October, dowladda Federaalka Soomaaliya waxay tirada dhimashada ku sheegtay 358, dhaawucuna 228, iyo 67 kale oo la la'yahay, balse baaritaanka dambe ee la sameeyay lagu soo ogaaday inay tirada khasaaraha intaasi uu ka badan yahay.

Dowladda kama aysan hadlin warbixintan cusub ee Gudiga Gurmadka uu soo saarey.

Qaraxii Zoobe oo dhacay galabnimo sabti ah, 14-kii October ayaa waxa uu noqday masiibo midii ugu dhimashada badnayd ee ka dhacda dalka Soomaaliya Taariikhdan casriga ah, iyadoo wali aan jirin cid sheegatay mas'uuliyadiisa.

Dadka dhintay waxay u badnaayeen shacab, oo qaar wadada lugaynayay, qaar baabuurta BL-ka saarnaa iyo kuwa kale oo ku sugnaan goobo ganacsi oo wadada Isgoyska Zoobe ku yaalla, oo ku jiro Hotel-ka Safaari oo gebi ahaantiisa burburay, iyadoo dadkii ku jiray ay intooda badan dhinteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM