Shirkii Baarlamaanada Soomaaliya oo lasoo gabagabeeyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa lasoo gaba-gabeeyay Shirkii magaalada Baydhabo uga socda maalmihii lasoo dhaafay gudoonada Golayaasha Sharci-dejinta dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo muran badan iyo khilaaf dhaliyay, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay islamarkaana Shir gudoomiyay Afhayeenka Gollaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaasha baarlamaanada shanta dowlad goboleed ee ka dhisan dalka, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo Xildhibaanno dhowr ah.

Gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa warbaahinta u aqriyay war murtiyeedkii shirka ka soo baxay.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ah;

In Kulan wadajir ah lala yeesho Hay'adaha Deeq-biyaasha horaanta 2018

In dib u eegis lagu sameeyo mashruuca tayo dhisida Golayaasha

In lagu dheera-geliyo Hay'adaha fulinta heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed dhamaystirka Arrimaha ka dhiman Federaaleynta dalka

In la xoojiyo xiriirka Gudiyada Golayaasha sharci dejin ee isku shaqada ah

In la dheera-geliyo adeegsiga "Video Conference" si xiriirka Golayaasha joogto u noqdo

In Golle walba wadatashi isagu noqdo si looga fiirsado adeegsiga kalmadda Sharci-dejinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM