Wararka ku xeeran dedaalada "heshiisiinta" Xaaf iyo Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wada-hadalo lagu qaboojinayo xiisadda kasoo cusboonaatay Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Villa Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay ka bilowdeen magaalooyin kala duwan.

Dedaaladan ayaa la sheegayaa in ay wadaan xubno labadda dhinac aad ugu dhow, kuwaasoo "iskooda isu xilqaamay".

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya natiijadda illaa iyo haatan laga gaarey "heshiisiinta" oo ujeedkeedu yahay in xal la helo.

Warbaahinta qaarkeed ayaa ku warameysa in dedaaladii ugu horeeyay ay guuldareysteen loona balansan yahay kulamo kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa tan iyo markii 1-dii Janaayo, 2020, uu dib ugu laabtey Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, qaadey talaabooyin liddi ku ah qorshaha Villa Soomaaliya ee Galmudug.

2-dii Janaayo, 2020, Xaaf ayaa sheegay in uu wakiilnimadii doorashadda Galmudug kala noqday Dowladda. 3-dii Janaayo, 2020, Xaaf wuxuu magacaabay guddi doorasho, isagoo difaacay guddigiisa.

Doorashooyinka Galmudug ayaa wajahayey caqabado kala duwan, waxaana muddooyinkii u dambeysay hortaagneyd Ahlu Sunna.

Hase ahaatee, waxay haatan u muuqaneysaa in ay dhinac kale dood ka furan tahay oo ah Xaaf oo ku adkeystay "waxaan aniga rabin hadda kadib kama soconayaan dowlad goboleedka Galmudug.

Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa sarre u qaadeysa walaac laga qabo in doorashooyinka Galmudug ay ku yimaadaan dib u dhacyo kale ama in maamulku yeesho laba madaxweyne oo iska soo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM