Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal shalay oo Talaado ahayd ka dhacay deegaanka Araare oo ku dhow Tuulada Baar-sanguuni ku dhex-maray ciidamadda Soomaaliya iyo xoogaga Al-Shabaab.

Ciidamadda Huwanta ah ee Soomaaliya, oo isugu jira kuwa xooga dalka iyo waliba Daraawiishta maamulka Jubbaland oo ku sugan deegaanka ay soo weerareen Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaan waxaa ku dhintay Tobban qof oo labadda dhinac ah, iyadoona uu jiro khasaaro dhaawac oo intaas ka badan, kuwaasoo soo kala gaarey labadda dhinac.

Lix kamid ah Tobbanka dhimatay waa Al-Shabaab, sida ay sheegteen taliska ciidamadda xooga ee Jubbada Hoose, halka afarta kale ay yihiin Askar ka tirsan ciidamadda xooga dalka Soomaaliya.

Ciidamadda weerarkaan Dhabagalka ah la kowdsaday ayaa waxay wadeen Sahmin ay ku doonayeen inay Saanad ciidan ku gaarsiiyaan kuwa kale oo Aaga difaaca uga jira degmada Jilib ee Jubadda Dhexe.

Xaaladda meesha ay wax ka dhaceen oo ah Tuuladda/Buundada Araare ayaa waxay tahay maanta oo Arbaco ah mid degan, inkasta oo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan labadda dhinac.

Al-Shabaab dhankooda wali wax war ah kama soo saarin dagaalkaan cuslaa oo ay ciidamadda dowladda oo kaashana kuwa Daraawiishta Jubbaland ay kula galayn gobolka Jubbadda Hoose.

Jubbaland ayaa horey ugu dhawaaqday Guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoona hadda tahay deegaanadeeda maalaha ugu badan oo ay ka socdaan dagaalada ka dhanka ah Shabaab, marka Shabeellaha Hoose laga soo tago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM