Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Suuqa Bakaaraha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ganacsiga Suuqa weyn ee Baraakaha ayaa saaka dib u furmay, kadib markii uu xirnaan labadii maalmood ee lasoo dhaafay, sababo la xiriira casnhuur cusub oo dowladda Federaalka kusoo rogtay Ganacsatada.

Waxaa si caadi ah u shaqeynaya howlihii ganacsiga ee looga bartay Suuqa, iyadoo tallaabadan ay timid kadib markii cabasho xooggan ay shacabka gobolka Banaadir ka muujiyeen xirnaanshaha Suuqa oo nolosha dad badan ku tiirsanayd.

Inkastoo Suuqa dib loo furay, waxaa wali aan xal laga gaarey sababtii markii hore loo xiray ee ahayd canshuurta Iibka ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ay soo rogtay dhawaan.

Gudi ay sameysteen Ganacsatada ayaa Kulamo aan wax natiijo ah kasoo baxin la yeeshay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Yariisow intii uu xirnaa Suuqa Baakaraha.

Markii ay dhegaha ka fureysteen Mas'uuliyiintii ay la kulmeen, Ganacsatada ayaa cabashadooda u gudbiyey Gudiga Ganacsiga iyo Warshadaha ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale, wali ismariwaa ka taagan yahay Dekedda Muqdisho, oo ay ku xanniban yihiin Maraakiib dhowr ah oo Ganacatada u raran, kuwaasi oo saameyn ku yeelatay Canshuurta cusub ee soo kordhisay dowladda.

Ganacsatada waxay sheegeen inaysan awoodin bixinta labo canshuur oo kala ah mida dekedda looga qaado iyo tan cusub ee Iibka [VAT], taasi oo Ganacsatada laga qaadin 27-kii sano ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM