Warbaahinta Turkiga oo meel kaga dhacday qaranimadda Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkiga – Jaraa'idka Daily Sabax oo kamid ah warbaahinta dowliga ah ee Turkiga ayaa warbixin uu ka qoray agab caafimaad uu Turkiga ka dejiyey caasimada Somaliland ee Hargeysa wuxuu ugu gefay qaranimada Soomaaliya.

Wargeyska ayaa maamulka gooni u goosadka ah ku tilmaamay "dal" taas oo meel ka dhac ku ah madaxbanaanida iyo wadajirka Soomaaliya.

Gefkaas ayuu ku kacay xili uu soo xiganayey hadal uu Wasiirka Caafimaadka xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ugu mahadceliyey dowladda Turkiga.

Ankara iyo Qadar ayaa kamid ah xulafada saaxiibka dhow la ah Villa Soomaaliya. Taageero ciidan, dhaqaale iyo mid siyaasadeed ayay siiyaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda ka hadlin gefkaas. Xiriiro lala sameeyo si wax looga waydiiyo kama jawaabin wicitaanka.

Meel-ka-dhaca uu sameeyay joornaalka ayaa kusoo aadeysa xilli Turkiga uu ku dedaalayo siddii uu xiriir dhow ugu yeelan lahaa Somaliland isla markaana uu u martigelin lahaa wadahadalada Muqdisho iyo Hargeysa.

Wadaxaajoodyadda ayaa hakad ku jira waddamo badan. Dowladdo kale oo ay ku jiraan reer galbeedka ah ayaa xiiseynaya martigelinta shirkaas.

Mucaawinada Turkiga siiyey Somaliland ayaa loogu talagalay xakameynta faafitaanka Covid-19, kaas oo 5 kiis laga helay degaanada maamulka.

Tabarucaas taas lamid ah ayuu Turkigu ka dejiyey Muqdisho, wallow uu ku horeysiiyey Somaliland mana cadda sababta keentay arrintaas.

Guud ahaan Soomaaliya, xaaladaha caabuqaas safmareenka ah ayaa gaaraya 116 xaaladood, waxaana laga cabsi qabaa in ay kororto tiradda.

Somaliland ayaa sanadkii 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse tan iyo xiligaas ma aysan helin ictiraaf, taas bedelkeeda dunida waxay u aqoonsan tahay maamul goboleed hoostaga xukuumada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM