Wariye ku Geeriyooday Qarax Muqdisho ka dhacay.

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxa fiidnimadii xalay ka dhacay makhaayad ku taala agagaarka xarunta Hay'dda Nabad Sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa waxaa ku geeriyooday dhawr qof oo uu kamid yahay, weriye Cabdifataax Macalin Nuur"Qeys".

Marxuum Qeys ayaa ugu geeriyooday isbitaalka Dhaawicii Qaraxa.

Wariyahaan ayaa muddo dhawr iyo toban sano ah kasoo shaqeeyay warbaahinta magaalada Muqdisho isaga oo haatan ahaa Agaasimaha telefishinka Somalicable.

Jaamacadda Muqdisho ayuu ka qaatay shahaadada heerka koowaad iyo Saxaafadda iyo Siyaasadda isaga oo xubin ka ahaa naadiga/Ururka Qalinjabiyayaasha jaamacadda.

Dadka yaqaanay waxay ku tilmaameen weriye toosan oo ka dhawrsanaa dabeecado inta badan gaabis ka dhigay dadaalka wariyayaasha isaga oo lahaa hiigsi horumarineed.

Geerida Qeys ayaa qeyb ka noqonaysa xanuunka joogtada ah ee ay la kulmaan bahda warbaahinta ee gudaha Soomaaliya iyada oo sanad kasta tiro badan lagu dilo gudaha dalka halka tiro intaas ka badan ay dalka isaga cararaan iyaga oo raadinaya meel ay ku nabad galaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM