Wariye wareystay ganacsade taageersan Al-Shabaab oo la xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wariye C/llaahi Kulmiye Caddow ayaa la xiray, saddex maalmood kadib markii uu wareystay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo si cad u shaaciyay inuu taageersan yahay fekerka xagjirka Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada NISA ayaa xalay saqdii dhexe gurigiisa kala soo baxay wariyaha, iyagoo ku xiran goob aan la ogeyn, laakiin kamid ah magaaladda Muqdisho, waxaana xariga suxufiga cambaareeyay kooxaha u dhaq-dhaqaaqa xoriyadda hadalka iyo warbaahinta.

Abuukar Cumar Cadaan ayaa sheegay inuu taageersan yahay dagaalka Al-Shabaab kula jirto Ciidamada DF iyo xulufadooda AMISOM. Ganacsadahan ayaa lagu xasuustaa inuu dhaqaale badan ku taageeray Midowgii Maxkamadaha Islaamiga 2006.

Wariye C/llaahi Kulmiye ayaa wareysigan u qaadey Radio Kulmiye, oo xaruntiisu tahay Muqdisho, mana jirto wax tallaabo ah oo maamulka Idaacadda laga qaadey, maadaama la ogyahay inay bixiyeen ogolaanshaha wareysiga, qeybna ka qaateen diyaarintiisa.

Qoyska ayaa ka cabsiga qaba in suxufiga la dilo ama ugu yaraan jirdil lagu sameeyo, waxayna ka dalbadeen madaxda DF inay si dhaqsi ah dib ugu soo celiso xoriyadiisa, maadaama lagu haysto kaliya shaqadiisa wariye-nimo.

NISA ayaa horey loogu eedeeyay xarig iyo handadaad joogto ah inay ku hayso wariyeyaasha ka howlgala warbaahinta madaxa-banaan ee Muqdisho, iyadoo xaruumaha warbaahineed ay ku sameyso feef-reeb [Censorship], taasoo lidi ku ah shurciga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM