NISA oo xabsiga dhigtay Ganacsade taageeray Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA] ayaa maanta xabsiga dhigtay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan, kadib markii uu bixiyay wareysi uu taageero ugu muujiyay Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada NISA ayaa saakay gurigiisa ku weeraray ganacsadan caanka ah, kadibna soo xiray, waxaana la sheegay in amarka xarigiisa uu bixiyay Fahad Yaasiin, oo madax u ah hay’adda Nabad Sugida.

Wareysiga ayuu ninkan ku sheegay in uu taageersan yahay mabd’a Kooxda Al-Shabaab iyo dagaalka ay kula jirto Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, oo uu ku tilmaamay “gaallo” Wadanka kusoo duushay.

NISA ayaan wax war ah kasoo saarin sababta ay u xirtay Abuukar Cumar Cadaan, balse waxay dadka sida dhaw ula socda kiiskan, u sheegeen Garowe Online in Fahad Yaasiin uu dhibsadey wareysiga.

Abuukar Cadaan ayaa ah maal-geliyihii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga, oo Al-Shabaab ka faracantay, kaasoo la dagaalamay Ciidamada Itoobiya 2006-2007, waxaana xarigiisa uu dhaliyay shaki aad u badan.

Al-Shabaab ayaa lacag badan ka hesha ganacsatada Muqdisho kuwooda ugu waawayn, iyadoo dhaqaalahaas u adeegsato qaraxyada ay shacabka ku xasuuqdo iyo dilalka shaqsiyaadka muhiimka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse: Waxaan fulinaynaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab inta lagu jiro Ramadan

Wuxuu sidoo kale xusay in shacabka Soomaaliyeed ay ka warhayaan wararka been abuurka ah iyo male-awaalka ay faafinayaan argagixisadu.

  • Soomaliya

    11-03-2025

  • 02:16PM

Masar oo saldhigyo Militeri ka dhisanaysa Soomaaliya

Lama shaacin halka ay Ciidamada Masar saldhigyo ka dhisan doonaan, balse waxaa Muqdisho soo gaarey dhawaan hub iyo agab militeri.

  • Soomaliya

    11-03-2025

  • 01:58PM