Warqad dacwad ah oo laga qoray hogaanka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya

Image
Warqadan ayaa waxa ay daaha ka qaadaysaa musuq-maasuq iyo wax-is-daba marin dhaqaale oo ka dhex jira Bangiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdillaahi Xaashi Abiib ayaa warqad uu dhawaan u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu kaga hadlay musuq-maasuq iyo wax-is-daba marin dhaqaale oo ka dhex jira Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

“In kasta oo digniino hore loo soo saaray, haddana hoggaanka Baanku waxa uu sii wadaa inuu ku dhaqmo dhaqamo ka baxsan anshaxa, oo ay ka mid yihiin laaluushka hanti-dhawrka, eexda, iyo been-abuurka warbixinnada hay’adaha caalamiga ah sida IMF iyo Bangiga Adduunka,” ayuu qoray Xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa soo bandhigay saddex qodoh oo kamid ah arrimaha ugu muhiimsan ee walaaca xooggan ku abuuray.

1: Laaluush iyo Qaraabo kiil

Hanti-dhawrayaasha waxa lagu laaluushaa inay iska indho tiraan ismaan-dhaafka jira, iyadoo shaqaalaysiintu ay u xaglinayso qaraabada siyaasiyiinta, taas oo wiiqaysa mudnaan iyo hufnaan.

2: Warbixin been abuur ah

Warbixinada IMF iyo World Bank waa laga been abuuraa, taasoo halis gelinaysa kalsoonida Soomaaliya iyo taageerada dhaqaale.

3: Kharashaadka Aan La Fasaxnayn

Lacagaha waxaa loo weeciyey si shaqsi ah loo isticmaalo, sida safarrada aan loo baahnayn iyo bixinta adeegyada aan jirin.

Xildhibaan Abiib waxa uu dalbanayaa in la sameeyo guddi baariseed oo madax-banaan oo soo celisa daacadnimadii iyo isla xisaabtankii Baanka dhexe waxaana uu madaxweynaha ka dalbaday inuu si degdeg ah wax uga qabto arrimahan taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM