Warsaxafadeed: Jubaland oo si ka duwan Puntland uga digtey arimaha ka socda Muqdishu
KISMAYO, Jubaland-Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka Jubaland ayaa dowlada Federaalka oo adeegsanaya Barlamanka Somaliya uga digtey iney wax ka badal ku sameyso heshiiskii laga gaarey qaabka doorasho ee Somaliya.
Qoraalkaan ayaa si cad u sheegey iney nasiib daro tahay in Dowlada Federaalka xagal daacin ku hayso heshiiskii madaxda dowlada Somaliya iyo maamulada wada gaareen 12 April, 2016.
" Dowlada Federaalka ayaa iyadoo kaashaneysa Barlamanka Federaalka ah miiska soo saartey arin aan ku jirin heshiiskii la gaarey oo ah in gobolka Banaadir loo qoondeeyo saami qayb kamid ah xubnaha aqalka sare ee Barlamanka Soomaliyeed, taasoo aan u aragno talaabo xagal daacin karta dhamaan dadaaladii lagu bixiyey in la gaadho heshiiska Muqdishu." ayaa lagu sheegey warsaxafdeedkaan.
Hadalka kasoo baxay Jubaland ayaa lagu tilmaamey in arinka gobolka Banaadir uu yahay mid maqaam gaar ah leh islamarkaana aheyd in lagaga xaajoodo kulamadii madaxda Somaliya ee hore.
Dhinaca kale dowlada Puntland oo horey labo Warsaxafadeed uga soo saartey in faragalin lagu sameeyo heshiiskaan ayaa eedynta ka weecisay dowlada Federaalka balse ku koobtey oo kaliya Barlamanka Somaliya.
Labada warsaxafadeed oo mid kasoo baxay Madaxtooyada Puntland 13 May,2016 [ HALKAN KA AKHRI] midka kalena kulankii golaha xukuumada Puntland 19 May, 2016 [ HALKAN KA AKHRI ] ayaa si toos ah mas'uuliyada wax ka badalka heshiiskaan uga weeciyey dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh iyadoo digniin loogu direy gudoonka Barlamanka Federaalka ah.
Kulankii magaalada Muqdishu ku dhexmarey madaxda Somalida iyo Golaha amaanka Qaramada Midoobey ayaa waxaan ka qayb galin Madaxweynaha maamulka Jubland isagoo kaga cududaartey howlaha ka haysta dhismaha golaha xukuumadiisa.
Madaxweynaha Puntland oo ka ambabaxey magaalada Bossaso 18 May, 2016 ayaa weli ku sugan magaalada Muqdishu kadib markii uu ka qayb galey kulankii madaxda Somalida iyo Qaramada Midoobey dhexmarey 19 May 2016.
Lama oga sababta Madaxweynaha Puntland weli uga sugan yahay magaalada Muqdishu iyadoo uusan ka socon halkaas wada xaajood rasmiya ee u dhexeeya madaxda Somalida balse warar laga helayo Villa Somaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Shiikh baajiyey maalintii shaley 21 May, 2016.
Madaxweynaha Somaliya oo cadaadis ka haysto beesha caalamka, Barlamanka Federaalka, beelaha raadinaya iney kororsadaan xubnaha aqalka sare ayaa wararku sheegayaan in Madaxweyne Cabdiweli Gaas ka codsanayo in uu jid u bixiyo culeyskaan haysta.
HOOS KA AKHRI WARSAXFADEEDKA JUBALAND KASOO SAARTEY FARAGALINTA HESHIISKA DOORASHO EE SOMALIYA
GAROWEONLINE