Wasaaradda Deegaanka oo amar ka soo saartay bacaha halka mar la isticmaalo

Image
Go'aanku wuxuu mamnuucayaa soo dejinta bacaha halka mar la isticmaalo iyo in laga adeeegsado dalka oo dhan.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan lagu mamnuucayo isticmaalka bacaha halista ku ah deegaanka.

Go'aanku wuxuu mamnuucayaa soo dejinta bacaha halka mar la isticmaalo iyo in laga adeeegsado dalka oo dhan.

Wasaaraddu waxay sidoo kale amartay in gebi ahaanba la joojiyo soo dejinta, dhoofinta, soo saarista, ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha laga bilaabo Juun 30, 2024.

Wasaaraddu, ayaa sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, waxay ku dhiirigelisay dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada inay raadiyaan beddelka bacaha oo aan waxyeello u geysanayn deegaanka.

Waxaa sidoo kale wareegtada wasaaradda lagu sheegay: “Haddaba waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha ay quseyso warqadan in ay u hogaansamaan awaamiirta kor ku xusan.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM