Wasiir Fiqi oo si adag uga hadlay shirkii ka dhacay magaalada Garowe

Image
Wasiirka ayaa u sheegay dadka degan Kaaraan in maqaamka Caasimada oo uga xiranyahay dhamaystirka Dastuurka.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallin Fiqi oo xalay xarunta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir uga qeyb galay Afur Wadareed ayaa ka hadlay arrimo badan oo xaasaasi ah oo ay ka mid yihiin amniga iyo dhameystirka dastuurka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Banaadir ay xuquuq badan ka maqan tahay oo ay ugu waacantahay maqaamka caasimada, isla markaana ay xuquuqdooda heli doonaan ka dib dhamaystirka Dastuurka.

Wasiirka oo soo hadal qaatay Arrimaha Dastuurka ayaa sheegay in kuwii ballanqaaday dhameystirkiisa ay qaarkood maanta hortaagan yihiin, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay taageeraan.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale weerar afeed ku qaaday garabka Shariif & Farmaajo isaga oo yiri: “Dastuurka kun diyaarad hadii la raaco waxba kama badalayso, dastuurka waxaa uu horyaallaa baarlamaanka iyo hay’adihii ku shaqada lahaa ee buuqa hala yareeyo”.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka deggan Muqdisho inay u soo baxaan aftida dastuurka, isaga oo ka codsaday inay “bananaanka soo istaagaan, oo ay codeeyaan”.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya ka dib shir ka dhacay magaalada Garowe, oo dhaxmaray madaxdii hore ee dalka iyo maamulka Puntland, kaas oo looga hadlay arrimaha Dastuurka iyo marxaladda uu dalka marayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM