Wasiir Fiqi oo soo jeediyay habka looga hortagi karo Qudbo-sirada

Image
Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay fududeyn doonto in dowladda Soomaaliya ay la socoto tirada qoysaska ee dalka.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa Baarlamaanka Federaalka horgeeyay Hindise sharciyeedka dad-dhigista, isagoo mudanayaasha golaha uga warbixiyay faa’iidada uu dalka u leeyahay Sharcigaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa yiri, “Kuwa guursanayaa waa inay is-diiwaangeliyaan, qudbo sirada meeshaas ayay ku dhamaanaysaa''.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay fududeyn doonto in dowladda Soomaaliya ay la socoto tirada qoysaska ee dalka ka dhisan iyo Caruurta dhasha sanadkiiba.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee dadka Soomaalida ah loogu diido dal ku galka marka ay u dhoofayaan dalka dibadiisa ay tahay inaysan jirin hab lagula socdo qoysaska ku nool dalka gudihiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in xogta muwaadiniinta lagu uruurin doono hal xarun oo ay ku jirto xogta baasaboorka oo hadda dalka dibadiisa ku keydsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM